Maraykanka oo kordhiyay canshuurta badeecooyinka India

0
569

Maamulka madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa shaaciyay inuu canshuur dheeraad ah saaray badeecooyinka laga dhoofiyo dalka India ee halkaasi loo iibgeeyo.
Canshuurtan oo ahayd boqolkiiba 25 ayaa hadda noqotay boqolkiiba 50.
Waxaa laga cabsi qabaa in tallaabadan ay saameyn aan wanaagsanayn ku yeelato wada macaamilka dhanka dhaqaalaha ee labada dowladood ee India iyo Maraykanka.
Toddobaadkii hore ayay ahayd markii Donald Trump uu ku hanjabay inuu xukuumadda New Delhi u ciqaabi doono iibsashada shidaalka iyo hubka Ruushka.