Maraykanka oo cadaadis saaraya Israa’iil iyo Xamaas

0
197

Dowladda Maraykanka ayaa Israa’iil iyo Xamaas ku cadaadinaysa in ay oggolaadaan soo jeedin la xiriirta xabbad joojin oo loo bandhigay.
Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden ayaa xaqiijiyay in Israa’iil ay diyaar u tahay in horay loo sii socdo oo la adeegsado shuruudaha lala wadaagay Xamaas.
Waxaa uu intaasi ku daray in dhexdhexaadiyaasha matalaya dowladaha Maraykanka, Qatar iyo Masar ay ka go’an tahay sidii si buuxda loogu dhaqangelin lahaa heshiiska.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo ay weli duqeymo ka socdaan Koonfurta iyo Bartamaha Qaza.
Wararka qaar ayaa sheegaya in militariga Israa’iil iyo dagaalyahaannada Xamaas ay ku dagaallamayaan gudaha magaalada Rafah.
Laga soo billaabo 7-dii bishii Tobnaad ee sanadkii hore , waxaa duqeymaha Israa’iil ee Qaza lagu dilay ugu yaraan 36,479 Falastiiniyiin ah halka la dhaawacay 82,777 kale.