Diyaaradaha dagaalka Mareykanka ayaa duqaymo ka geystay magaalada Sanca ee caasimadda dalka Yemen, waxaana ku dhintay ugu yaraan 8 qof, tiro kalena waa ay ku dhaawacmeen, sida ay ku warantay warbaahinta Xuuthiyiinta ee xiriirka la leh, iyadoo Mareykanku uu qirtay in uu fuliyay in ka badan 800 oo weerar oo bartilmaameedyo ah oo Yemen ka dhacay tan iyo bartamihii bishii March, taasoo tirada guud ee dadka lagu dilay ka dhigaysa in ka badan 220 qof.
TV-ga Al Masirah ayaa sheegay in sideed qof lagu dilay duqeyn uu Mareykanku la beegsaday degmada Bani al-Harith ee waqooyiga caasimadda Yemen ee Sanca.
Mareykanka ayaa sidoo kale habeenimadii xalay duqeeyay gobollada Amran iyo Sacda ee Yemen, sida ay sheegeen saraakiisha Xuutiyiinta, waxaana la sheegay in laba qof lagu dilay weerar hore oo ka dhacay Sanca.