Maraykanka iyo Sacuudiga oo ka wada hadlay duullaanka Qaza

0
280

La taliyaha amniga qaran ee Maraykanka Jake Sullivan ayaa la kulmay dhaxal sugaha Boqortooyada Sacuudi Carabiya Maxamad Bin Salmaan.
Waxay ka wada hadleen duullaanka militari ee ay weli Israa’iil ka wado Qaza.
Waxay sidoo kale diiradda saareen dadaallada ku aaddan sidii nabad waarta loo kala dhex dhigi lahaa Israa’il iyo Falastiin.
Jake Sullivan oo socdaal ku maraya Bariga Dhexe ayaa lagu wadaa inuu maanta kulan la qaato Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu iyo xubnaha xukuumadiisa.