Madaxii hore ee cadaalada dalka David Maraga iyo hogaamiyaha xisbiga People’s Liberation Party Martha Karua ayaa si caro leh uga falceliyay in madaxweyne William Ruto uu u muuqday in uu qirtay afduubka ka dhacay dalka, waxaana ay ku baaqeen in baaritaan dhab ah lagu sameeyo laguna soo oogo dhacwad dambiilayaasha.
Labada dhinac ayaa sidoo kale ugu baaqay dowladda inay xaqiijiso in Dastuurka lagu dhaqmo.
Hadalo kala duwan ayaa Maraga iyo Karua waxaa ay ku dhaleeceeyeen Ruto waxa ay ku tilmaameen inuu si kale u qirtay af-duubyo ka dhacay Kenya. Inta badan afduubka ayaa dhacay sanadkii hore. Waxaa ay sheegeen in Ruto uu hadaladiisa jeediyay in kasta oo ay dhibaato weyn oo qiiro leh ay u geysatay qoysaska dhibanayaasha iyo eheladooda.
Bayaanka uu maanta soo saaray Maraga ayaa waxaa uu ku dalbaday in la ilaaliyo Dastuurka. Waxaa uu sidoo kale dalbaday in la sameeyo baaritaanno ku saleysan talooyinka 1-da May ee hannaanka dib u eegista xilliyeedka caalamiga ah ee Geneva.
Waxaa uu xukuumadda Kenya Kwanza ku cadaadiyay inay ansixiso Axdiga Caalamiga ah ee Ka Ilaalinta Dhammaan Dadka afduubka.
Dhinaca kale, Karua ayaa ka codsatay Ruto inuu qiro doorka ciidamada ammaanka ay ku leeyihiin afduubka iyo dhaqan gelinta dadka la waayay. Waxaa ay sidoo kale doonaysaa in ciidamada ammaanka ee Camera-da lagu qabtay, sida ay daaha ka qaaday muqaalkii falanqeynta ay BBC-da so daysay.