Ugu yaraan 106 ka mid ah carruurta ismaamulka Mandera ayaa la dhigay isbitaallo kala duwan .
Waxay badankoodu da’ ahaan ka hooseeyaan shan sano waxayna wajahayaan nafaqo darro baahsan.
Wasiirka caafimaadka ee Mandera ,Dr .Maxamuud Aadan ayaa laga soo xigtay in carruurta qaar ka mid ah ay haleeleen cudurrada burukiitada , qaaxda iyo shuban.
Waxaa uu wasiirka dowladda dhexe ugu baaqay inay ku dhawaaqdo in abaarta ay tahay musiibo qaran oo ay gargaar dheeeraad ah gaarsiiso meelaha ugu saameynta badan.
Sidoo kale waxaa uu sheegay in carruurta qaar oo ku nool galbeedka Mandera la soo sheegaya inay saameysay jadeeco oo ayna dowladda hoose ee Mandera ku dadaalaysa sidii ay wax uga qaban lahayd.
Wasiirka ayaa xusay in khuburro caafimaad oo kormeer sameeya in halkaasi loo diray si baaritaano ka dib arrintan loo xaqiijiyo.
9-kii bishii ee ugu dambeeyay waxaa la daaweeyay in ka badan 7000 oo ah carruur ay nafaqo darro haysay.
Abaarta ku dhufatay dalka oo lagu tilmaamay middii ugu darnayd muddo 40 sano ah ayaa si gaar ah u taabatay 23 ka mid ah ismaamullada wadanka waxaana si aad ah cunno ugu baahan 4 milyan oo qof.




