Waxaa si ku meel gaar ah meesha looga saaray xubinimada dalka Mali ee midowga Afrika iyada oo uu amarkan u dhaqan galaya sida ugu dhakhsiyaha badan.
Golaha midowga Afrika u qaabilsan arrimaha amniga iyo nabadgalyada ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in Mali ay qarka u saaran tahay in cunaqabateyn lagu soo rogo.
Go’aankan ayaa ka dhigan in dowladda Mali aynan ka qayb qaadan karin howlaha midowga Afrika iyo maamuladiisa kala duwan ilaa iyo inta nidaamkii kala dambeynta ee dastuuriga dib looga soo celinayo.
Midowga Afrika ayaa sidoo kale ciidamada militariga ee Mali ka dalbaday in ay si degdeg ah dib ugu laabtaan saldhigyadooda oo ayna soo afjaraan faragelinta ay ku hayaan geeddisocodka siyaasadeed ee dalkaas.
AU-da ayaa wacad ku martay in hadii ciidamada difaaca aynan baaqan tixgelin oo aynan talada ku wareejin hoggaamiyaasha ku meel gaarka ah la saari doono xayiraad iyo tallaabooyin kale oo lagu ciqaabaya.
Bayaanka midowga Afrika ayaa dhanka kale si kulul loogu cambaareeyay afgembigii dhawaan ka dhacay Mali waxaa uuna sheegay inuu aad uga walacsan yahay xaaladda sii xumanaysa iyo saameynta ka dhalan karto.
Axaddii ayay ahayd markii Mali laga saaray dalladda jaaliyadda dhaqaale ee galbeedka Afrika ee (ECOWAS).
Tani ayaa timid ka dib markii 9 bilood gudahood, wadanka Mali uu labo mar ka dhacay afgembi militari.