Madaxweynihii hore ee dalka oo ka tacsiyadeeyay geerida taliyihii militariga wadanka

0
270

Madaxweynihii hore ee dalka Uhuru Kenyatta ayaa tacsi u diray qoyska , ehellada iyo asxaabta taliyihii ciidamada difaaca qaranka ee KDF-ta General Francis Omondi Ogolla iyo saraakiishii kale ee shalay shilka ku geeriyooday.
Waxaa uu ku tilmaamay qof waddani oo ay ka go’nayd u adeegidda dalkiisa.
Kenyatta ayaa arrinkan ku sheegay qoraal uu soo dhigay baraha bulshada.
Waxaa uu Ogolla ku sifeeyay shakhsi dhanka hoggaaminta ku wanaagsanaa sidoo kalena geesi ahaa.