Madaxweynaha dowladda Federaalka ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tababar u soo xiray cutubyo ka mid noqonaya ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Gorgor oo ka qalin jabiyay dugsiga ciidamada ee Turksom.
Xilli uu la hadlayay ciidamada tababarka dhameystay ayuu sheegay in muhiimadda koowaad dowladdiisa tahay la dagaalanka iyo ciribtirka kooxda Al-Shabaab, isagoona dalbaday in degdeg loo soo afjaro dagaalka dowladda kula jirto urukaasi.
Waxaa uu sidoo kale sheegay in uusan dooneyn in dhibaatada kooxda Al-Shabaab ay sii socoto, isagoo ugu baaqay dadka Soomaaliyeed in hal meel looga soo wada jeesto kooxda.
“Diin iyo dadnimo ogol majirto in kumanaan qof oo Soomaali ah in si macno la’an ah lo dilo, maxay galabsadeen dadkii lagu laayay Soobe 14-kii bishii Tobnaad ee sanadkii 2017-kii, diintee sheegeysa in qof masaajid ku jira la dilo oo qof iska socda bistoolad gadaal looga dhufto, qofkaas doonayo inuu dilo dadkaasi aan waxba galabsan oo haddana leh murtid ayaan dilay” ayuu yiri madaxweynaha.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sidoo kale ka hadlay damaca guracan ee dowladda Itoobiya ay ku raadineyso qayb ka mid ah dhulka iyo Badda Soomaaliya, isagoona sheegay in mar dambe aysan suurtageli doonin Itoobiya inay qaadato dhul ka mid ah Soomaaliya, iyadoo mid hore uu ku maqan yahay.
Ugu dambeyntii, madaxweyne Xasan Sheekh ayaa uga mahadceliyey dowladda Turkiga doorka ay ka qaadanayaan dib u dhiska ciidamada qalabka sida ee Soomaaliyeed.
Home Wararka Soomaaliya Madaxweyne Xasan Sheekh “Majirto diin iyo dadnimo ogol in kumanaan qof oo...