Madaxweyne Ruto oo shaaciyay in 630,000 qof oo Nandi ku nool ay iska diiwaangeliyeen SHA

0
76

Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa sheegay in 630,000 oo qof oo ku nool ismaamulka Nandi, una dhiganta 72 boqolkiiba dadka deegaanka, ay iska diiwaangeliyeen Hay’adda Caymiska Caafimaadka Bulshada ee SHA.
Madaxweyne Ruto ayaa sheegay in dowladda ay ilaa hadda ku bixisay 2.2 bilyan oo shilin oo Kenya ah daaweynta dadka deegaanka, kuwaas oo adeegyada caafimaadka ka hela xarumaha caafimaadka, isbitaallada heer-hoose iyo isbitaallada gudbinta bukaannada.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale dhagax-dhigay dhismaha qayb cusub oo bukaan-jiif ah oo laga hirgelinayo Isbitaalka Meteitei ee degmada Tinderet, ismaamulka Nandi, kaas oo ku kacaya 270 milyan oo shilin.
Qaybta cusub ayaa yeelan doonta 50 sariirood, taas oo tirada sariiraha isbitaalka ka kordhin doonta 66 ilaa 116.
Dhismahan ayaa la filayaa inuu kor u qaado adeegyada caafimaad ee ay helaan ku dhowaad 350,000 oo qof oo ku nool Tinderet, Londiani iyo Muhoroni.
Madaxweyne Ruto ayaa sheegay in la qorsheeyay in dhismaha qaybta cusub la soo gabagabeeyo dhammaadka sannadkan.