Madaxweyne Ruto oo ka hadlay qorshaha kenya ee sanadka 2030-ka

0
100

Madaxweynaha dalkani Kenya William Ruto ayaa sheegay in Kenya ay u baahan tahay inay si wanaagsan isu diyaariso, si ay uga faa’iidaysato kobaca dhaqaale ee Afrika, xilli uu qaaraddu noqonayo xarunta kobaca dhaqaalaha adduunka.
Madaxweyne Ruto ayaa sheegay in Afrika ay leedahay kayd ballaaran oo tamar dib loo cusboonaysiin karo, dad dhallinyaro u badan, suuq sii kobcaya iyo dhul beereed badan oo aan weli si buuxda loo isticmaalin, kuwaas oo muhiim u noqon kara sugnaanta cuntada mustaqbalka.
Ruto ayaa hadalkan ka sheegay doodda ku saabsan qorshaha Kenya ee hiigsiga sanadka 2030-ka qorshe cusub oo ka tarjumaya isbeddellada dunida, gaar ahaan horumarka teknoolojiyadda, sirdoonka macmalka ah iyo isbeddelka cimilada.
Wuxuu sheegay in qorshaha hiigsiga ah ee 2030 uu Kenya siiyay hannaan horumarineed oo muddo dheer ah, balse uu hadda gabagabo ku dhow yahay, iyadoo sidoo kale la sameeyay dastuur cusub oo siinaya dalka hannaan ka wanaagsan oo lagu qorsheeyo mustaqbalka fog.
Madaxweynaha ayaa shacabka Kenya ugu baaqay inay si wadajir ah uga qayb qaataan dejinta qorshaha cusub, isagoo sheegay in qofna uusan kaligiis lahayn fikradaha wanaagsan.
Ruto ayaa sidoo kale dhaliilay dhaqanka siyaasadeed ee dalka, isagoo sheegay in doorashooyinka muddo dheer loo arkayay arrin nolosha iyo dhimashada ku saabsan, taasina ay keentay in qorshayaasha dalka lagu saleeyo doorashada xigta halkii laga eegi lahaa jiilalka soo socda.
Wuxuu sheegay in Kenya ay tahay inay ka fikirto mustaqbalka fog, ayna ka gudubto siyaasadda doorashooyinka oo keliya.
Madaxweyne Ruto ayaa intaas ku daray in qorshaha Beyond 2030 uusan ahayn mashruuc ay leedahay dowladda oo keliya, balse uu yahay qorshe ay leeyihiin dhammaan shacabka Kenya, oo ay ku jiraan beeraleyda, ganacsatada, ardayda iyo khubarada dalka.
Dhanka kale, Ruto wuxuu sheegay in Kenya ay horumar la taaban karo ka samaysay kaabayaasha dhaqaalaha, isagoo xusay in dalka uu leeyahay in ka badan 20-kun oo kiiloomitir oo waddooyin laami ah, tareenka SGR iyo Expressway, halka sidoo kale korontada la gaarsiiyay malaayiin qoys.
Madaxweynaha ayaa sheegay in horumarka dhinaca waxbarashada iyo korontaduna uu yahay mid muhiim ah, isagoo tilmaamay in tirada qoysaska korontada ku xiran ay gaartay ku dhowaad 10 milyan, iyadoo la filayo inay kororto ilaa 11 milyan.