Madaxweyne ku xigeenkii hore ee dalka Rigathi Gachagua ayaa ugu baaqay dowladda inay si degdeg ah ugu dhawaaqdo abaarta ka jirta Waqooyi Bari Kenya inay tahay masiibo qaran, isagoo ka digay in dadka deegaanka ay wajahayaan gaajo daran, harraad iyo daryeel caafimaad la’aan.
War-saxaafadeed uu soo saaray maanta , Gachagua wuxuu dhaleeceeyay hoggaamiyeyaasha gobolka, isagoo ku eedeeyay inay dayaceen bulshooyinka nugul oo ay ku guuldareysteen mas’uuliyaddii ay ka qaadeen ilaalinta nolosha iyo hab-nololeedka.
Wuxuu sheegay in xaaladdu ay ka sii dartay heer cabsi leh, iyadoo xooluhu ay u dhinteen la’aan cunto iyo biyo, taasoo ah calaamad muujinaysa dhibaatada bani’aadamnimada ee sii xumaanaysa.




