Madaxweyne ku xigeenka dalka oo shir uga qayb galaya Equatorial Guinea

0
205

Waxaa uu qorshuhu yahay in ku xigeenka madaxweynaha dalka Rigathi Gachagua uu galabta u ambabaxo safar dibadeed oo uu ku tagaya wadanka Equatorial Guinea.
Gachagua oo matalaya hoggaamiyaha wadanka William Ruto ayaa halkaasi uga qayb geli doono shirka guddiga (C-10) .
Guddigan ayaa waxaa ku mideysan 10 ka mid ah waddamada qaaradda Afrika ee kala ah Senegal, Uganda, Algeria, Kenya, Zambia, Sierra Leone, Congo, Libya, Namibia iyo Equatorial Guinea.
Waxaa la filayaa in berri oo ay taariikhdu ku beegan tahay 24-ka bishan uu madaxweyne ku xigeenka dalka Rigathi Gachagua jeediyo khudbad uu uga hadlaya mowqifka Kenya ee ku aaddan isbeddello lagu sameynaya golaha ammaanka ee qaramada midoobay ee UNSC.
Isbeddellada ayaa ku saabsan in Afrika ay matalaad dheeraad ah ku lahaato xubinnimada golahaasi.