Madaxweynaha Ukraine oo war ka soo saaray wada hadallada Trump iyo Putin

0
423

Madaxweynaha dalka Ukraine Volodymyr Zelensky ayaa sheegay in ay qasab tahay in Ukraine laga qayb geliyo wada hadallada looga hadlaya soo afjaridda duullaanka militari ee Ruushka .
Waxaa uu xusay in go’aan kasta oo ka soo baxa wada hadallada madaxweynaha Maraykanka Donald Trump iyo dhiggiisa Ruushka Vlamidir Putin oo aynan Ukraine qayb ka ahayn aynan horseedi doonin nabad galyo waarta.
Waxaa uu baraha bulshada ku sheegay in Ukraine aynan marnaba dhulkeeda ku wareejin doonin Ruushka.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo Trump iyo Putin lagu wado in ay ku kulmaan gobolka Alaska ee Maraykanka si ay uga wada hadlaan xal u helidda dagaalka Ruushka kala dhexeeya xukuumadda Kyiv tan iyo 2022-kii.