Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo xalay booqasho-tacsiyeed ku tagay dalka Kuwait ayaa la wadaagay Amiirka dalkaas Sheekh Mishcal Al-Axmed Al-Sabaax dhambaalka tacsida shacabka iyo dowladda Federaalka Soomaaliya.
Tani ayaa timid ka dib markii uu dhawaan geeriyooday Amiirkii Kuwait Alle ha u naxariistee Sheekh Nawaf Al-Axmad Al-Sabaax.
Madaxweynaha oo ka mid ahaa hoggaamiyeyaasha ka qeyb-galay tacsida Amiirka ayaa murugada la qeybsaday Ra’iisul Wasaaraha iyo Golaha Amiirrada ee uu la kulmay.




