Wasaaradda arrimaha gudaha iyo maamulka qaran ayaa madaxweynaha dalka William Ruto u bandhigtay soo jeedin ah inuu soo dhiso xafiis guud oo qaabilsan baaritaannada dilalka ka dhaco gudaha waddanka.
Xeer la soo saaray sanadkii 2017-kii ayaa qeexaya in baaritaannadan ay noqdaan kuwo madax bannaan.
Xeerkan ayaa meesha ka saaraya kaalinta booliiska ee baaritaannada si aynan saameyn ugu yeelan.
Balse nidaamkan ayaan ilaa iyo hadda si buuxda loo dhaqan gelin.
Waxaa dilalkan ka mid ah kuwa ciidamada booliiska lagu eedeyo in ay gaystaan.
Xafiiska ay wasaaradda arrimaha gudaha doonaysa in la soo dhiso ayaa baaritaano ku sameyn doono dilalka dhaca ee aynan cidna faahfaahin sababihii ka dambeeyay iyo qaabkii loo fuliyay.