Madaxweynaha oo isbuuca dambe barasaabyada kala hadli doono arrinta qaadka Mogokaa

0
227

Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa sheegay in toddobaadka dambe uu kulan la qaadan doono barasaabyada ismaamullada uu saameynta ku yeeshay go’aankii qaar ka mid ah dowlad deegaannada gobolka Xeebta looga mamnuucay nooca qaadka ee loo yaqaano Mogokaa.
Waxaa uu qoraal ku sheegay inuu la xiriiray barasaabka ismaamulka Mombasa Cabdulswamad Shariif Nassir, dhigiisa Kilifi Gideon Mung’aro iyo barasaabka Taita- Taveta Andrew Mwadime.
Guddoomiyaashan ayaa dhamaantood oggolaaday in ay ka qayb galaan kulanka la qorsheynaya inuu dhaco isbuuca nagu soo aaddan.
Hoggaamiyaha dalka ayaa xusay in madashaasi looga arrinsan doono tabashooyinka iyo caqabadaha jira ee ka dhanka ah Mogokaa ee sababay in Mombasa , Kilifi iyo Taita-Taveta laga mamnuucay in la soo geliyo , lagu dhex iibiyo ama lagu dhex isticmaalo qaadkan.
Sidoo kale waxaa kulanka ka qayb geli doono saraakiisha wasaaradda beeraha ee dalka.
Isniintii ayay ahayd markii uu madaxweynaha dalka William Ruto la kulmay hoggaamiyaasha siyaasadeed ee ismaamulka Embu iyo saamileyda soo saara qaadkan.
Wasiirka wasaaradda beeraha iyo xanaannada xoolaha ee dalka Mithika Linturi ayaa dhankiisa ku adkeysanaya in tallaabadii ay barasaabyada Mombasa , Kilifi iyo Taita-Taveta ku mamnuuceen qaadka Mogokaa ay sharci ahaan tahay mid waxba kama jiraan ah.
Linturi ayaa hoosta ka xarriiqay in Mogokaa uu ka mid yahay qaadka sidaasi awgeedna loo baahan yahay in ka ganacsigiisa iyo isticmaalkiisa lagu xakameeyo xeerarka u degsan qaadka ee sanadkii 2023-kii iyo kuwa dalagyada ee la soo saaray 2013-kii .
Qaybta saddexaad ee xeerka dalagyada dalka ee The Crops Act 2013 waxaa ku xusan in qaadka uu ka mid yahay dalagyada aan lagu sameyn karin kobcin dhanka tayada ah ama nafaqeyn.