Madaxweynaha Iiraan oo ka digay xasillooni darro ka dhacda gobolka ka kadib hanjabaadaha Mareykanka

0
130

Madaxweynaha Iiraan Masoud Pezeshkian ayaa taleefan kula hadlay Amiirka Sacuudi Carabiya, Maxamed bin Salman, ka dib markii markabka dagaalka ee Mareykanka uu yimid gobolka, iyadoo laga cabsi qabo in dagaal cusub uu ka dhex qarxo Iiraan iyo Israa’iil iyo Mareykanka.
Mareykanka ayaa muujiyay inuu ka fiirsanayo weerar ka dhan ah Iiraan, ka dib markii Xukuumadda Tehran ay si xooggan u cadaadisay dibadbaxayaasha, taasoo dad badan ay ku dhinteen. Madaxweyne Donald Trump ayaa gobolka u diray markabka dagaalka ee USS Abraham Lincoln.
Intii uu ku jiray wicitaanka, Pezeshkian ayaa dhaliilay hanjabaadaha Mareykanka, isagoo sheegay in ujeedadoodu tahay inay carqaladeeyaan amniga gobolka, balse aysan ka dhalan doonin wax kale oo aan ahayn xasillooni darro. Waxaa uu sidoo kale sheegay in cadaadisyada dibadda, oo ay ku jiraan tallaabooyin dhaqaale, aysan wiiqin adkeysiga iyo wacyiga shacabka Iiraan.
Amiirka Sacuudiga ayaa soo dhaweeyay wada hadalka, isagoo ku adkeeyay sida Sacuudi Carabiya uga go’an tahay xasilloonida, ammaanka, iyo horumarka gobolka.