Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa u ambabaxay caasimadda waddanka Burundi ee Bujumbura.
Waxaa uu halkaasi uga qayb galaya shirka 23-aad ee madaxda dowladaha waddamada ku mideysan dalladda suuqa Bariga iyo Koonfurta qaaradda Afrika ee (COMESA) .
Afhayeenka madaxtooyada dalka ee State House Xuseen Maxamad ayaa war saxaafadeed uu soo saaray ku sheegay in madaxweyne William Ruto inta uu ku sugan yahay Burundi uu ka qayb geli doono wada hadallo heer sare ah oo lagu xoojinaya xiriirka istaraatiijiga ee Kenya kala dhexeeya saaxiibbada kale .
Waxaa uu intaasi ku daray in sanadkan sidoo kale loo dabbaal degaya sanadguuradii 30-aad ee ka soo wareegatay aasaaskii COMESA oo matasha ilaa 640 milyan oo qof ,kobaca guud ee dhaqaalaheedana uu yahay hal Tiriliyoon oo doollar.
Xuseen ayaa xusay in dalladda COMESA ay suuq wanaagsan u tahay Kenya oo uu saamigeeda yahay boqolkiiba 12.4.
Waxaa uu tilmaamay in intii u dhexeysay sanadkii 2019-kii ilaa 2023-kii , badeecooyinka ay Kenya u iibgeysay dalalka xubnaha ka ah ururkan ay kordheen boqolkiiba 8.9.
Madaxweyne William Ruto ayaa dhanka kale la kulmi doono hoggaamiyaasha Masar, Zambia , ra’iisul wasaaraha Itoobiya iyo mas’uuliyiin kale.
Ruto iyo dhigiisa Masar, Cabdel Fattax el-Sisi ayaa ka wada hadli doono xoojinta iskaashiga ganacsi ee labada waddan halka isaga iyo madaxweynaha dalka Zambia Hakainde Hichilema ay soo wada dhisi doonaan guddi iskudhaf ah oo ka shaqeynaya xallinta caqabadaha dhanka canshuurta ee culeyska ku ah dardargelinta howlaha ganacsiga.
Waxaa shirka ka qabsoomaya Burundi si gaar ah diiradda loogu saaraya sare u qaadidda isdhexgalka ka dhexeeya shacabka dalalka xubnaha ka ah COMESA sida Burundi, Comoros, Congo, Jabuuti , Masar ,Eritrea, Eswatini, Itoobiya , Kenya, Libya, Madagascar, Malawi, Mauritius, Rwanda, Seychelles, Somalia, Sudan, Tunisia, Uganda, Zambia iyo Zimbabwe.