Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa qoraal uu soo saaray ku soo dhaweeyay in wadanka Haiti laga aasaasay golaha madaxtinnimo ee ku meel gaarka ah ee (PTC).
Waxaa uu sheegay in tallaabadan ay caddeyn u tahay in golaha wasiirrada ee Haiti ay si wadajir ah uga go’an tahay sidii wadankaasi looga soo afjari lahaa rabshadaha saameeyay.
Sidoo kale tani ayaa horseedaysa maamul dowladeed oo cusub oo dimuqraadi ah sida uu Ruto sheegay.
Madaxweynaha dalka ayaa xusay in ay rajeynayaan in golaha la soo dhisay ee PTC uu si degdeg ah u soo magacaabo Ra’iisul Wasaaraha Haiti iyo golaha wasiirrada ee dalkaasi.
William Ruto ayaa dhanka kale bogaadiyay hoggaanka jaaliyadda Caribbean-ka ee (CARICOM) oo uu sheegay inuu hormuud u noqday wada tashiyo fududeeyay in la soo dhiso gole madaxtinnimo oo ay xubno ka yihiin qaybaha kala duwan ee bulshada Haiti.
Madaxweynaha ayaa qoraalkiisa ku xusay in dowladda Kenya ay qabto kalsooni ah in hoggaanka cusub ee siyaasadeed ee dalka Haiti uu sameyn doono aasaas adag oo lagu xallinaya dhibaatooyinka muddo ka taagnaa dalkaasi, in la soo celiyo xasilloonidii jirtay, in la sameeyo kala guur siyaasadeed sidoo kalena wadankaasi lagu soo dabbaalo nabad galyo iyo horumar waara.
Waxaa uu mar kale madaxweyne William Ruto sheegay in Kenya ay si wayn u garab taagan tahay Haiti oo ayna diyaar u tahay in ay doorkeeda ka qaadato qaraarkii nabadsugidda dalkaasi ee uu ansixiyay golaha ammaanka ee qaramada midoobay ee sanadkii hore kaasi oo uu tirsigiisu ahaa 2699
Home Wararka Kenya Madaxweynaha dalka oo soo dhaweeyay in Haiti laga aasaasay golaha hoggaanka ku...