Madaxweynaha dalka oo sheegay in boqolkiiba 46 ee dhaqaalaha lagu bixiyo mushaaraad

0
333

Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa sheegay in boqolkiiba 46 ee kheyraadka dowladda lagu bixiyo mushaaraad iyo gunnooyin in kastoo bartilmaameedsiga dowladda uu ahaa boqolkiiba 35.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in maamulkiisa uu ku dadaalaya sidii arrinkan wax looga beddeli lahaa si lacago dheeraad ah loogu helo fulinta mashaariicda horumarineed.
Madaxweyne Ruto ayaa qodobkan ka hadlay xilli maanta xarunta madaxtooyada ee State House ee magaalada Nairobi lagu dhaarinayay xoghayaha joogtada ah ee waaxda asluubta Salome Muhia-Beacco iyo dhigeeda waaxda waxqabadka iyo bixinta adeegyada Anne Wang’ombe.

Hoggaamiyaha dalka ayaa labada xoghayeyaal ugu baaqay inay la shaqeeyaan wasiirradooda si loogu guulaysto ajeendaha dowladda.
Waxaa uu waaxda dabagalka ku sameynaysa qaabka loo fidiyo adeegyada bulshada ugu baaqay inay la xisaabtanto shaqaalaha dowladda, in la wanaajiyo waxqabadka howlwadeennadan sidoo kalena ay helaan mushaaraad ay u qalmaan.
Sidoo kale waxaa uu mas’uuliyiinta maanta la dhaariyay kula dardaarmay inay xaqiijiyaan in kheyraadka dadweynaha loo adeegsado siyaabaha loogu talagalay.