Madaxweynaha dalka oo sheegay in ay ka go’an tahay xoojinta dowlad wadaajinta

0
97

Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa sheegay in maamulkiisa ay ka go’an tahay in la xoojiyo nidaamka dowlad wadaajinta ee la daadajiyay sanadkii 2013-kii.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay in ujeeddada arirnkan laga leeyahay ay tahay in la dardargeliyo bixinta adeegyada dadweynaha.
Madaxweyne William Ruto ayaa xusay in dowladda dhexe ay diyaar u tahay in ay la shaqeyso dhammaan barasaabyada ismaamullada wadanka iyadoo aan la eegayn garabka siyaasadeed ee ay ka tirsan yihiin.
Waxaa uu ku celceliyay in ay lagama maarmaan tahay in dowladda sare iyo ismaamullada ay ka wada shaqeeyaan sidii loo gaari lahaa kobac iyo horumar loo dhan yahay.
Madaxweynaha ayaa qiray in dowlad deegaannada ay door muhiim ah ku leeyihiin dhaqangelinta qorshaha kobcinta dhaqaalaha wadanka iyadoo laga soo billaabaya meel hoose.
Waxaa uu tusaale u soo qaatay mashruuca guriyaha la awoodi karo ee ay dowladdu dhisaysa oo uu xusay inay la kaashanayaan ismaamullada.
Arrintan ayuu ka sheegay shirka wada tashiga ee maanta lagu soo gabagabeynaya magaalada Naivasha ee ismaamulka Nakuru.