Madaxweynaha dalka oo ragga ugu baaqay in ay ka soo horjeestaan gudniinka fircooniga

0
271

Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa ragga ugu baaqay in ay door ka qaataan in gabdhaha lagu sameeyo nooca gudniinka fircooniga ee loo yaqaano FGM-ka.
Hoggaamiyaha wadanka ayaa carrabka ku adkeeyay in gudniinkan uu saameyn ku leeyahay nolosha dumarka.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in ragga laga doonaya inay safka hore uga jiraan wacyigelinta la xiriirta saameynta FGM-ka.
Sidoo kale madaxweynaha ayaa walaac ka muujiyay dhacdooyinka soo badanaya ee ay gabdhaha yar xilli hore uurka qaadayaan.
Waxaa uu tilmaamay in loo baahan yahay la tacaalidda sababaha keenaya xaaladahan.
William Ruto ayaa sidoo kale ragga ku boorriyay inay ka qayb qaataan in gabdhaha yar aan xilli hore guur lagula degdegin oo fursad loo siiyo waxbarashada.
Ra’yi uruurin la sameeyay sanadkii 2022-kii ayaa lagu ogaaday in heerka gudniinka fircooniga ee FGM-ka ee gudaha wadanka uu yahay boqolkiiba 15.
Tani ayay micnaheedu tahay in boqolkiiba 15 ee gabdhaha iyo haweenka ay da’doodu u dhexeyso 15 ilaa 49 sano lagu sameeyay gudniinka noocani ah.