Madaxweynaha dalka oo maanta guddoomin doono shirka UDA

0
217

Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa lagu wadaa saaka uu guddoomiyo shirka xildhibaannada baarlamaanka ee ka tirsan xisbiga UDA.
Kulanka ayaa qabsoomi doono ka hor inta aan hindise sharciyeedka maaliyadda baarlamaanka la hor geyn.
Madaxa isbeheysiga talada waddanka haya ee Kenya Kwanza u qaabilsan dhanka abaabulka iyo kala dambeynta baarlamaanka Sylvanus Osoro ayaa sheegay in ay rajeynayaan in madaxweynaha uu ku xigeenkiisa Rigathi Gachagua faro inuu joojiyo sida uu hadalka u dhigay siyaasadda ku saleysan qabyaaladda iyo kala qaybinta.
Osoro ayaa carrabka ku adkeeyay in haddii uu madaxweynaha arrinkan ka gaabiyo ,in xildhibaannada ay Gachagua u bandhigi doonaan inuu wax ka beddelo siyaasadiisa oo uunan carqaladeyn ajeendaha qaran ee xisbiga.
Maalmo ka hor ayay ahayd markii wasiirka wasaaradda adeegga dadweynaha Moses Kuria uu bartiisa rasmiga ee X ku soo daabacay qoraal ah in xilka qaadis ay soo socoto in kastoo uunan caddeyn.
Siyaasiyiinta Kenya Kwanza ayaa maalmihii ugu dambeeyay dhaliil u jeedinayay madaxweyne ku xigeenka dalka Rigathi Gachagua ka dib markii uu sheegay in ay jiraan shakhsiyaad aad ugu dhow madaxweynaha oo doonaya inuu ka amar qaato taasina uunan aqbali karin.