Madaxweynaha dalka oo la kulmay qurba joogta kenyaanka ah ee magaalada Atlanta

0
244

Madaxweynaha dalka William Ruto oo Maraykanka ku joogo safar rasmi ah ayaa xarunta Cobb Galleria Centre ee magaalada Atlanta ee gobolka Georgia kulan kula qaatay qurba joogta kenyaanka ah ee halkaasi ku nool.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in dowladdu ay ku dadaalaysa diiwaangelinta xirfadaha iyo takhasusyada kala duwan ee qurba joogta si loo fududeeyo in muwaadiniin badan ay fursado shaqo ka helaan dalka dibadiisa.
Ruto ayaa xusay in shacabka qurbaha ku nool ay door wayn ka qaadan karaan horumarka dhaqaalaha wadanka.
Madaxweyne William Ruto ayaa sidoo kale goobjoog u ahaa munaasabado ay xarunta Maraykanka u qaabilsan xakameynta cudurrada ee CDC iyo machadka cilmi baarista caafimaadka ee dalka ee KEMRI ay heshiisyo ku kala saxiixanayeen.
Sidoo kale waxaa heshiis wada gaaray wasaaradda caafimaadka ee dalka iyo qorshaha degdegga ah ee xafiiska madaxweynaha Maraykanka u qaabilsan gurmadka ka dhanka ah cudurka AIDS-ka si loo xoojiyo barnaamijyada ay Kenya kula tacaasho fayraska cudurkan keena ee HIV-da.
Madaxweyne William Ruto ayaa sheegay in Kenya iyo Maraykanka ay si wayn iskaga kaashadaan arrimaha caafimaadka sida kaabayaasha iyo cilmi baarista.
Waxaa uu tilmaamay in ay daneynayaan in xiriirkan la sii adkeeyo si Kenya ay daawooyinka tallaalka ugu soo saarto gudaha dalka.