Madaxweynaha dalka oo la kulmay dhigiisa Suudaanta Koonfureed

0
232

Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa magaalada Juba kulan kula yeeshay dhigiisa Suudaanta Koonfureed Salva Kiir Mayardit.
Waxaa sidoo kale kulankaasi ka qayb galay madaxweyne ku xigeenka koowaad ee Suudaanta Koonfureed Riek Machar.
Ruto ayaa qoraal ku sheegay in madashaasi diiradda lagu saaray geeddisocodka hindisaha nabadeed ee Tumaini .
Hoggaamiyaha qaranka ayaa hoosta ka xarriiqay inuu ku farxay in dhinacyada isku haya siyaasadda dalkaasi ay oggolaadeen in ay magaalada Nairobi dib uga billowdaan arrimaha ay ku kala aragti duwan yihiin si Suudaanta Koonfureed loogu soo dabbaalo nabad waarta.
William Ruto ayaa tilmaamay in ay dhiirrigelinaysa in la xallin karo kala fogaanshaha dowladda iyo mucaaradka waddankaasi.
Madaxweynaha ayaa sheegay in isaga iyo mas’uuliyiinta uu la kulmay ay isku afgarteen in urur goboleedka IGAD laga qayb geliyo geeddisocodka nabadda lagu raadinaya.
Waxaa sidoo kale la kaashan doonaa beesha caalamka si Suudaanta Koonfureed iyo guud ahaan gobolka loogu horseedo xasillooni waarta.