DHAGEYSO:Wasiirka tacliinta oo sheegay in tallaabo laga qaadaya cidii lagu cadeeyo xatooyada imtixaannada

0
201

Wasiirka wasaaradda waxbarashada ee dalka Julius Ogamba Migos ayaa sheegay in cidii lagu cadeeyo in ay sameysay ama fududeysay khiyaano la xiriirta maareynta imtixaanka qaran ee KCSE-da in durbaba shaqada laga joojin doono.
Arrintan ayuu saaka ka sheegay deegaanka Nyali ee ismaamulka Mombasa.
Wasiirka ayaa xusay in ay kaashan doonaan waaxda cadaaladda si loo xaqiijiyo in la dardargeliyo dacwadaha ka dhanka ah shakhsiyaadka khiyaanada sameeya oo tallaabo sharciyeed looga qaado.
Waxaa uu digniin gaar ah u diray macallimiinta, maamulayaasha iyo kormeerayaasha xarumaha lagu sameynaya imtixaannada isagoo xusay in dhacdooyinka wax isdaba marinta ay sanadkan hoos u dhaceen marka loo barbardhigo sanadihii hore.
Ogamba ayaa tani u aaneeyay tallaabooyinka adag ee ay qaadday wasaaradda tacliinta ee dalka oo ay ka mid tahay in aan taleefoonnada gacanta lala geli karin meelaha imtixaannada lagu sameynaya.

Waxaa uu wasiirka intaasi ku daray in dowladdu ay diyaar u tahay in ardayda sanadkan sameynaya imtixaanka fasalka afaraad ee dugsiga sare ee KCSE-da ay si habsami leh ugu biiraan jaamacadaha.
Xilli uu booqday dugsiga sare ee Kongowea ayuu ardayda ku dhiirrigeliyay in ay inta karaankooda ah dadaalaan isagoo guul u rajeeyay.