Madaxweynaha dalka oo ka hadlay faa’iidooyinka laga helay go’aamo adag oo uu qaatay

0
193

Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa sheegay in go’aamo adag oo uu qaatay tan iyo markii uu hoggaanka wadanka la wareegay ay noqdeen kuwo miro-dhalay.
Waxaa uu sheegay in go’aamo badan oo uu qaatay aynan noqon kuwo la soo dhaweeyay balse ay ugu dambeyn isbeddel u horseedeen qaranka.
Madaxweynaha ayaa sheegay in waddamada horumarka ku tallaabsaday ee la tacaalay saboolnimada iyo shaqo la’aanta dadkooda in ay yihiin kuwo madaxda hoggaamiya ay qaateen go’aamada saxda ah.
Waxaa uu ku celceliyay in tallaabooyinka uu qaadaya maamulkiisa ay yihiin kuwo sax ah oo aynan ku doonayn sida uu hadalka u dhigay in ay caan ku noqdaan.
Hoggaamiyaha dalka ayaa tusaale u soo qaatay isbeddelka ku yimid qiimaha shilinka dalka , burka iyo shidaalka.
Waxaa uu dhanka kale madaxda uga digay in ay xoogga saaraan sidii ay caan ku noqon lahaayeen.
Ruto ayaa xilli uu ku sugnaa ismaamulka Nyeri ee gobolka Bartamaha dalka cadeeyay in qofka mas’uulka ah laga doonaya inuu u adeego oo uu dhanka wanaagsan ku hoggaamiyo codbixiyeyaasha.
Madaxweynaha dalka ayaa dhanka kale sheegay in aan marnaba laga laaban doonin ololaha qaran ee lagula dagaallamaya noocyada kala duwan ee maandooriyaha.