Madaxweynaha dalka oo cambaareeyay falkii lagu toogtay garsoore Monica Kivuti

0
159

Madaxweynaha dalka William Samoei Ruto ayaa si kulul u cambaareeyay falkii Khamiistii la soo dhaafay lagu toogtay Monica Kivuti oo ahayd garsoore sare oo ka howlgalaysay maxkamadda Makadara ee ismaamulka Nairobi.
Hoggaamiyaha dalka ayaa dhacdadaasi ku tilmaamay mid aan la aqbali karin sidaasi awgeedna la doonaya in aynan hadda ka dib dhicin.
Ruto ayaa tilmaamay in aan la qaadan karin in la maago, loo hanjabo ama la weeraro saraakiisha waaxda garsoorka maadaama ay tani tahay fal dambiyeed liddi ku ah nidaamka kala dambeynta ee maamulka.
Waxaa uu howlwadeennada waaxda cadaaladda ee dalka u xaqiijiyay in badqabkooda la sugaya .
Ruto ayaa ciidamada booliiska ku boorriyay in ay ka soo baxaan dhaartii ay mareen ee badbaadinta nolosha kenyaanka.
Waxaa uu xusay in xaalad kasta oo jirta aynan dayici karin mas’uuliyaddan ama aynan ka leexan karin shaqadooda ah badbaadinta si aynan khatar ugu noqon dadweynaha.
Madaxweyne William Ruto oo u tacsiyadeeyay qoyska , ehellada iyo asxaabta ay ka baxday garsoore Monica Kivuti ayaa sheegay in wadanka uu lumiyay xaakin dadaal badnayd oo kenyaanka ugu adeegi jirtay si ay daacadnimo ku dheehan tahay.
Hoggaamiyaha dalka ayaa ciidamada ammaanka faray in ay xaqiijiyaan badqabka shaqaalaha waaxda garsoorka ee waddanka.
13-kii bishan Lixaad ayay ahayd markii sarkaal sare oo booliis ah oo lagu magacaabo Samson Kipchirchir Kipruto oo ahaa taliyihii saldhigga booliiska ee magaalada Londiani ee ismaamulka Kericho uu toogtay garsoore Kivuti xilli ay meesha ka saartay damaanadda xaaskiisa oo ku eedeysan khiyaano maaliyadeed.
Taasi ayaa keentay in Kipruto uu maxkamadda soo galo ka dibna uu rasaas ku furay garsooraha oo u geeriyootay dhaawacyo soo gaaray.
Saddex sarkaal oo booliis ah ayaa toogashadaasi ku dhaawacmay xilli ay falcelinayeen waxaana Kipruto ugu dambeyn lagu dhex dilay maxkamadda.
Madaxa cadaaladda dalka garsoore Martha Koome ayaa shaacisay in berri la xiraya dhammaan maxkamadaha wadanka si howlwadeennada laanta garsoorka ay baroordiiq ugu sameeyaan xaakinka laga dilay.