Madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta ayaa bogaadiyay isbeddelo ballaaran oo lagu sameeyay qaabka loo maareeyo iskaashatada wadanka.
Waxaa uu sheegay in isbeddelladan la sameynayay tan iyo sanadkii 2013.
Uhuru Kenyatta oo uu muddo xileedkiisu gabagabo yahay ayaa xusay in tani ay meesha ka saartay barnaamijyo lagu lunsan jiray hantida dadweynaha.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay in dadaalka dowladda ay arrintan ku bixisay uu kaalin ka qaatay fulinta mashaariic horumarineed oo ku saabsan wax soo saarka , la tacalidda cunno yarida iyo dhisidda guriyo qiimo ahaan la awoodi karo.
Mr. Kenyatta ayaa sheegay in intii u dhexeysay sanadkii 2014 ilaa 2021, xubnaha iskaashatada oo ahaa 3 milyan ay tiradoodu gaartay 5.5 milyan oo qof.