Nzioka Waita oo horay u soo noqday madaxa shaqaalaha madaxtooyada dalka ayaa been abuur ku tilmaamay warar sheegaya in loo magacaabay xilka ku xigeenka madaxa fulinta ee shirkadda isgaarsiinta Safaricom laanteeda dalka Itoobiya.
Shalay ayay ahayd markii Itoobiya si rasmi ah looga hirgeliyay adeegyada shirkaddan.
Qoraal uu soo dhigay bartiisa rasmiga ee Twitter-ka ayuu Waita ku sheegay in wararka ay dadku isla dhex marayaan ee lagu faafiyay baraha bulshada ay waxba kama jiraan yihiin.
Waxaa uu sheegay in hadda uu ku mashquulsan yahay ganacsigiisa , dhaqashada lo’diisa iyo inuu nasto.
Nzioka ayaa intaasi raaciyay in haddii xil loo magacaabo uu isaga shaaca ka qaadi doono sidaasi awgeedna uu kenyaanka ku boorrinaya inay iska ilaaliyaan wararka aan xaqiiqada ku saleysnayn.
These streets & fake stories … I’m busy minding my own business & looking after my cows & getting much needed rest ! Any announcements on my future will come from me .. so relax pic.twitter.com/mPKi4ZgJRW
— Nzioka Waita, MGH (@NziokaWaita) October 7, 2022




