Boqolaal sarkaal oo horay uga tirsanaa waaxyaha amniga ee Israa’iil oo ay ka mid yihiin kuwo soo hoggaamiyay sirdoonka ayaa madaxweynaha Maraykanka Donadl Trump baaq u diray.
Waxay doonayaa inuu xukuumadda Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu cadaadis ku saaro soo afjaridda dagaalka Qaza.
Waxay sheegeen in qiimeyntooda aqoonta ku saleysan ay tahay in ururka Xamaas ee dalka Falastiin uunan hadda halis istaraatiiji ah ku ahayn Israa’iil.
Warqadda ay soo saareen ayaa waxaa saxiixay ilaa 550 qof.
Dullaanka militari ee ay Israa’iil ka wado Qaza oo soo billowday 7-dii bishii Tobnaad ee sanadkii hore ayaa waxaa ku dhintay in ka badan 60,000 oo ruux halka ku dhawaad 150,000 oo kalena ay ku dhaawacmeen.