Madaxa wasiirrada ahna wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda iyo qurbajoogta ee wadanka Musalia Mudavadi ayaa u ambabaxay magaalada Geneva ee dalka Switzerland.
Mudavadi ayaa lagu wadaa in uu Kenya ku matalo kal-fadhiga 74-aad ee guddiga fulinta ee barnaamijka wakiillada sare ee (ExCom2023).
Bayaan ka soo baxay xafiiska madaxa wasiirrada ee dalka ayaa lagu sheegay in Musalia uu halkaasi ku sugnaan doono saddex cishe.
Musalia Mudavadi ayaa khudbad muhiim ah ka jeedin doona munaasabad heerkeedu sarreeyo ee uu halku dhigeedu yahay sida ay qaxootiga dib u dejin ku heli karaan iyo inay qayb ka noqdaan horumarka dhaqan dhaqaale.
Kulankan ayaa sidoo kale looga gol leeyahay in ka qayb galayaasha ay helaan faham iyo qadarin ku saabsan hababka wax ka beddelka ee ka mid noqoshada qaxootiga.
Mudavadi ayaa sidoo kale kulamo laba geesood ah la yeelan doonaa guddoomiyaha hay’adda qaramada midoobay u qaabilsan arrimaha qaxootiga ee UNHCR Filippo Grandi iyo kaaliyaha xoghayaha arrimaha dibadda ee Maraykanka ee arrimaha qaxootiga iyo socdaalka, Julieta Noyes.
Safarkan ayaa noqonaya kii ugu horreeyay uu Musalia Mudavadi meel ka baxsan qaaradda Afrika uu u ambabaxo isagoo ah madaxa wasiirrada dalka sidoo kale dhawaaan loo magacabaay wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda iyo qurbajoogta ee wadanka.