Madaxa wasiirrada dalka ahna wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda iyo qurba joogta Musalia Mudavadi ayaa shacabka ku boorriyay in aynan ku mashquulin guul darradii Raila Odinga ee xilka guddoomiyaha guddiga Midowga Afrika ee AUC-da.
Ka dib markii uu soo idlaaday kal-fadhiga 38-aad ee caadiga ah ee golaha hoggaamiyaasha dalalka iyo dowladaha Afrika oo lagu qabtay magaalada Addis Ababa ee waddanka Itoobiya ayuu Mudavadi carrabka ku adkeeyay in kastoo ay dowladdu kheyraad badan ku maalgelisay musharraxnimadii Raila , haddana in aan guul loo damaana-qaadin.
Waxaa uu xusay in qaaradda Afrika ay tahay mid ballaaran sidaasi awgeedna doorashooyinka Midowga Afrika aan la saadaalin karin.
Mudavadi ayaa sheegay in Kenya ay Raila u ololeysay intii ay awoodday.
Waxaa hadalka Mudavadi taageertay Dr. Litha Musyimi-Ogana oo ka mid ah saraakiisha sare ee guddiga xuquuqul aadanaha ee Midowga Afrika .
Madaxa wasiirrada dalka Musalia Mudavadi ayaa dhanka kale agaasimaha guud ee adeegga qaran ee sirdoonka ee NIS Nuurdiin Xaaji ka difaacay eedeymo loo jeediyay oo ahaa in uunan dowladda siin xogta saxda ah ee la xiriirta tartanka.
Waxaa uu sheegay in Nuurdiin uu yahay qof kenyaan ah, dalalka kalena ay leeyihiin madaxa sirdoonka balse aan lagu dhaliili karin geeddisocodkii ololaha.