Madaxa cadaaladda oo ku baaqday dardargelinta kiisaska tacaddiga jinsiyadeed

0
240

Madaxa waaxda cadaaladda ee dalka garsoore Martha Koome ayaa ku baaqday in la dardargeliyo baaritaannada la xiriira xadgudubyada jinsiyadeed .
Waxay soo jeedisay in laga gudbo dib u dhaca ku yimaada dhageysiga iyo go’aan ka soo saaridda dacwadahan marka loo bandhigo maxkamadaha.
Martha Koome ayaa walaac ka muujisay warbixin lagu sheegay in boqolkiiba 45 ee haweenka ay da’doodu u dhexeyso 15 sano ilaa 49 sano inay la kulmeen xadgudub jireed halka boqolkiiba 14 loo gaystay tacaddi galmo.
Madaxa cadaaladda dalka ayaa intaasi ku dartay in la hirgeliyay 12 maxkamadood oo kiisaskan kula tacaali doono meelaha ay ku badan yihiin guud ahaan wadanka .