Maanta oo maalin fasax qaran ah

0
217

Kenyaanka ayaa maanta ka nasanaya shaqooyinkoodii ka dib markii wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha iyo maamulka qaran Prof. Kithure Kindiki uu shaaciyay in 28-ka bishan oo maanta ah ay tahay fasax qaran.
Bayaan uu ku soo daabacay wargeyska rasmiga ee dowladda ayuu ku sheegay in muslimiinta fursad loo siinaya inay u dabbaal degaan Ciidul Adxaa.