Maamulka Trump oo Maxamuud Khaliil ka hor istaagay inuu la kulmo xaaskiisa

0
448

Maxamuud Khaliil oo ah ardey Falastiin ah oo wax ka baranayay Jaamacadda Columbia oo xabsiga ku jiray in ka badan hal bil ayaa laga hor istaagay inuu ka qayb gallo dhalashada wiilkiisa ka dib markii waaxda amniga gudaha ee Mareykanka ay diiday codsi uu u jeediyay oo ahaa inuu xaaskiisa la joogo xilliga ay umulayso.
Warbaahinta Mareykanka ayaa soo tabiyay in Khaliil wilkiisa lagu dhalay isbitaal ku yaalo magaalada New York subaxnimadii hore ee Isniinta.
Xaaskiisa Nuur Cabdalla ayaa bayaan ay soo saartay ku cambaareysay falka dowladda Mareykanka.
30 jirkan oo si rasmi ah u deggan Mareykanka door muhiim ahna ka qaatay mudaaharaadyada Falastiiniyiinta ee ka dhacay jaamacadaha ayaa lagu hayaa gobolka Louisiana oo qiyaastii 1,000 mayl mise (1,609 kiiloomitir) u jira gurigiisa oo ku yaal New York. Waxaa la xiray 8-dii bishii Maarso ee sanadkan iyadhoo maamulka Trump uu doonayo inuu musaafuriyo, isagoo ku eedeeyay inuu taageero Xamaas uuna halis ku yahay siyaasadda arrimaha dibadda ee Mareykanka.