Maamulka NTSA oo xiray darawaliin aan u hoggaansamin shuruucda waddooyinka

0
467

Maamulka qaran ee gaadiidka iyo badqabka dhinaca waddooyinka ee (NTSA) ayaa xoojiyay dadaalladiisa uu ku xaqiijinaya u hoggaansanka xeerarka taraafikada
Waxaa guud ahaan waddanka ka socdo howlgallo looga gol-leeyahay xaqiijinta badqabka kenyaanka.
Sidoo kale waxaa la bartilmaameedsanayay shaqaalaha gaadiidka ee aan sidan wax lagu aqoonsan karo iyo gawaarida aan lahayn adeegga xakameeya xawaaraha.
Inta uu howlgalkan socday waxaa gacanta lagu dhigayay dhammaan darawallada kaxeeya gaadiidka dadweynaha ee dhaafa xadka xawaaraha habboon.
NTSA ayaa gacanta ku dhigtay 19 ka mid ah darawallada kaxeeya gaadiidka ee ismaamulka Kwale kuwaas oo aan u hoggaansamin shuruucda waddooyinka.
Maamulka qaran ee NTSA ayaa sidoo kale ismaamulka Kirinyaga ku xiray dhowr baabuur oo ah gaadiidka dadweynaha ee loo yaqaano PSVs iyo kuwa Khaadka magaalooyinka u kala gudbiya.
Xogta NTSA ayaa muujineysa in dalka laga diiwaangeliyay kororka dadka ku dhaawacmay shilalka waddooyinka, taas oo boqolkiiba 11 korodhay tani iyo sanadkii 2023-kii.