Maamulka NTSA oo shaaciyay tirada dadka sanadkan ku dhintay shilalka

0
293

Maamulka qaran ee gaadiidka iyo badqabka dhanka waddooyinka ee NTSA ayaa shaaca ka qaaday in laga soo billaabo bishii koowaad ee sanadkan ilaa 25-kii bishan Lixaad ay 2,124 qof ku dhinteen shilal ka dhacay gudaha wadanka.
Tiradan ayaa 137 ka hooseysa midii sanadkii hore ee ahayd 2,261 qof.
Dadka iyagoo waddooyinka gudbaya shilal ku nafwaayay sanadkan ayaa ah 729 qof waxaana soo raaca wadayaasha mootooyinka oo tiradoodu lagu sheegay 561.
NTSA ayaa tirada rakaabka ee sanadkan shil ku dhintay ku sheegtay 403 qof , wadayaasha baabuurta waa 189 , dadka baskillada kaxeynayay ee shil galay waxay sanadkan tiradoodu gaartay 46 qof.
19-kii bishan ayay ahayd markii maamulka qaran ee gaadiidka iyo badqabka dhanka waddooyinka ee NTSA uu billaabay inuu mar kale tijaabiyo wadayaasha baabuurta dadweynaha ee (PSVs) iyo kuwa kaxeeya gawaarida xamuulka qaada.