Maamulka Falastiin oo xaniibaada ka qaaday warbaahinta AlJazeera

0
402

Madaxweynaha Falastiin Maxamuud Cabbaas ayaa Isniintii ka qaaday xayiraad muddo bilo ah saarneyd warbaahinta Aljazeera, taasoo u ogolaaneysa warbaahinta Qatar in ay dib u bilaabaan dhaqdhaqaaqyada dhulka Falastiiniyiinta laga bilaabo Talaadada maanta ah sida ay ku warrameen warbaahinada maxalliga.
Madaxa xafiiska Aljazeera ee daanta galbeed ee la haysto Walid al-Cumari ayaa xaqiijiyay go’aankan, isagoo sheegay in shaqaalahooda ay ku soo laaban doonaan shaqada iyagoo raacaya xeerarka maxalliga ah iyo hab-maamuuska warbaahinta.
Maamulka Falastiin ayaa xayiraadda soo rogay bishii Janaayo, iyaga oo u cuskanaya walaaca ay ka qabaan waxa ay ku tilmaameen ” kicinta iyo khatarta nabadda rayidka” ee Aljazeera.
Talaabadan ayaa waxaa dhaleeceyn kala kulantay dhowr hay’adood oo caalami ah oo ilaaliya warbaahinta iyo hay’adaha xuquuqul insaanka, kuwaas oo u arkayay falkan mid xadidaya xoriyada saxaafada.
Ma jiro wax sharraxaad ah oo rasmi ah oo ay bixisay madaxtooyadda Falastiiniyiinta oo ku saabsan qaadista xayiraadda, laakiin dadka indha indheeya ayaa soo jeedinaya in tallaabadan ay qayb ka tahay isku dayga ballaaran ee lagu doonayo in lagu qaboojiyo xiisadda u dhexeysa hoggaanka Falastiiniyiinta iyo warbaahinta gobolka iyada oo ay socdaan caqabado siyaasadeed iyo kuwo amni oo gobolka ka jira.