Maamulka maareeya adeegyada tamarta iyo batroolka ee dalka (EPRA) ayaa xiray ugu yaraan 12 ka mid ah kaalimaha shidaalka.
Sidoo kale waxaa uu ganaax lacageed saaray 5 xarumood oo dheeraad ah.
Tani ayaa timid ka dib markii maamullada goobahan la ogaaday inaynan u hoggaansamin xeerarka u degsan ka ganacsiga shidaalka.
Meelaha ay saameeyeen tallaabooyinka uu qaaday maamulka EPRA waxaa ka mid ah Alysent oo ku taalla deegaanka Maungu ee ismaamulka Taita Taveta, xarunta shidaalka ee Wilbur station ee Isneti oo ka tirsan dowlad deegaanka Kajiado.
Xarunta shidaalka ee shirkadda OLA ee ismaamulka Meru ayaa lagu ganaaxay 150,000 oo shilin halka Chaka Filling Station ee ismaamulka Nyeri la saaray 102,100 oo shilin.
EPRA ayaa intaasi ku dartay in maamulka kaalin shidaal oo ku taalla magaalada Sirisia ee ismaamulka Bungoma uu maxkamadda u gudbiyay dacwad ka dhan ah xayiraad lagu soo rogay.




