Maalinta luuqadda Sawaaxiliga oo loo dabbaal degi doono 7-da July

0
313

Waxay guul dhanka tacliinta ah u soo hooyatay Kenya ka dib markii qaramada midoobay ay ansixisay in 7-da bisha Toddobaad ee July ee sanad kasta loo dabbaal dego maalinta luuqadda Sawaaxiliga ee adduunka.
Waxaa codsigan ay Kenya u gudbisay jimciyadda qurumaha ka dhexeysa garab ku siisay dowladda dalka Tanzania.
Sawaaxiliga ayaa ka mid ah luuqadaha rasmiga ee Kenya.
193-da xubnood ee golaha loo dhan yahay ee qaramada midoobay ayaa hoosta ka xarriiqay in tani looga gol-leeyahay in sare loo qaado maqaamka luuqadaha.