Masiibo kale ayaa ka dhacday Suuqa Gikomba ka dib markii Koox dhalinyaro ah oo burburinayay dhismaha Block B uu ku soo dumay taasi oo keentay in labo qof ay ku dhintaan tiro kalena ay ku dhaawacmaan.
Dhismaha Block B ayaa si xun u burburay ka dib markii uu saameyn ku yeeshay dabkii ba’naa ee qabsaday Suuqa Gikomba, kaasoo burburiyay ku dhawaad boqolkiba 90% goobaha ganacsiga.
Xildhibaanka laga soo doortay deegaanka Kamkunji ee ismaamulka Nairobi Yussuf Hassan ayaa ka tacsiyadeeyay dadkii ku nafwaayay dhismaha ku dumay suuqa Gikomba.
Waxaa uuna soo kabasho ded deg ah u rajeeyay dadkii ku dhaawacmay iyo kuwii ku hanti beelay dabkii dhawaan qabsaday suuqaas.




