Laba tuhmane oo lagu qabtay Kawangware iyagoo ka shaqeynayay xaruumo caafimaad oo sharci darro ah

0
119

Dambi baarayaasha magaalada Nairobi ayaa qabtay labo qof oo lagu eedeeyay inay ka shaqeynayeen xaruun caafimaad oo aan ruqsad lahayn oo ku taalla deegaanka Kawangware, iyadoo hay’adaha ay xoojinayaan howlgallada ka dhanka ah xaruumaha caafimaadka sharci darrada ah.
Tuhmanayaasha oo kala ah Olima Bramwel Douglas, oo ah milkiilaha Dowamed Medicare Centre, iyo qofka lala tuhunsan yahay, oo lagu magacaabo Francisca Otieno Omondi, ayaa lagu qabtay aagga Congo ee deegaanka Dagoretti intii lagu guda jiray howlgallo uu waday Guddiga ay ku midhaysan yihiin dhakhaatiirta (KMPDC).
Sida ay sheegtay Waaxda dambi baarista ee (DCI), labada qof ayaa lagu helay inay maamulayeen xaruun caafimaad oo aan lahayn ruqsad sax ah isla markaana ku shaqeynayeen si sharci darro ah. Labada qof ayaa hadda gacanta lagu hayaa waxaa ayna maraayaan habraaca maxkamadda ka hor inta aan la soo taagin.
Tuhmanayaasha ayaa la filayaa in lagu eedeeyo ka shaqeynta xaruun caafimaad oo aan ruqsad lahayn, taasoo ah dambi ciqaab leh.