Ugu yaraan laba qof ayaa ku dhintay duqeymo kala duwan oo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Israa’iil ay ka fuliyeen Marinka Gaza, sida ay weriyeyaasha goobta ku sugan ka soo xigteen saraakiisha isbitaallada.
Isbitaalka Al-Shifa ayaa sheegay in hal qof uu ku dhintay, halka dad kalena ay ku dhaawacmeen duqeyn ka dhacday xaafadda Sheekh Cijliin ee koonfur-galbeed magaalada Gaza.
Isbitaalka Al-Aqsa Martyrs ayaa isna sheegay in hal qof uu ku dhintay duqeyn kale oo ka dhacday magaalada Deir al-Balah ee bartamaha Gaza, halkaas oo isbitaalku uu horay uga soo sheegay dhaawac.
Ugu yaraan lix Falastiiniyiin ah ayaa Talaadadii ku dhintay guud ahaan Gaza, waxaana ka mid ahaa wiil lix jir ah oo lagu toogtay teendho ku taalla bariga Deir al-Balah.




