Laba qof oo ku dhintay diyaarad ay leedahay Ruushka oo ku burburtay gudaha Ukraine

0
449

Laba qof ayaa ku dhintay ugu yaraan 14 kalena waa ay ku dhaawacmeen ka dib markii diyaarad Drone ah oo Ruushku leeyahay ay ku burburtay dhismo dheer oo ku yaalla magaalada Odesa ee dalka Ukraine, sida ay masuuliyiintu sheegeen.
Saddex carruur ah ayaa ka mid ah dadka ku dhaawacmay weerarkaas, iyadoo mid ka mid ah xaaladdiisu ay liidato, sida uu sheegay guddoomiyaha gobolka Oleh Kiper.