Kuuriyada Waqooyi oo beenisay inay hub siisay Ruushka

0
283

Dowladda Kuuriyada Waqooyi ayaa iska fogeysay eedeyn uga timid Maraykanka oo ah inay hub siisay Ruushka si uu ugu adeegsado duullaanka militari ee uu weli ka wado gudaha wadanka Ukraine.
Wasaaradda arrimaha dibadda ee Kuuriyada Waqooyi ayaa warbixinta Maraykanka ku tilmaantay mid lala yaabo oo aan la qaadan karin.
Shalay ayay ahayd markii afhayeenka golaha qaran ee aqalka cad ee Maraykanka John Kirby uu sheegay in xukuumadda Pyongyang ay hub ku wareejisay kooxda Wagner Group oo lagu eedeyay inay raadinayso shirkadaha hubka sameeya si ay ugu wareejiyaan xukuumadda Moscow.