KUPPET oo ku adkeysanaysa shaqo joojinta ay ku howlan yihiin xubnahooda

0
384

Xoghayaha Guud ee ururka macallimiinta wax ka dhiga dugsiyada sare iyo machadyada farsamada ee dalka ee KUPPET, Akelo Misori ayaa sheegay in ay sii socon doonto shaqo joojinta ay bareyaasha billaabeen Isniintii.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay in kastoo ay maxkamadda shaqada iyo shaqaalaha amartay in la soo afjaro shaqo joojinta in haddana taasi aynan u hoggaansameyn.
Waxaa uu intaasi ku daray in ay fasiraad sharciyeed ka sugayaan qareenadooda oo ayna shaqo joojinta sii soconaysa.
Misori ayaa dhanka kale guddiga adeegga macallimiinta ee TSC ku eedeyay inuu isku dayaya inuu bareyaasha ku cabsi geliyo amarro maxkamadeed halkii uu qaab wada xaajood ah ku xallin lahaa tabashooyinka jira.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo Xoghayaha Guud ee dalladda ay ku mideysan yihiin ururrada shaqaalaha ee COTU, Francis Atwoli uu TSC iyo KUPPET ku boorriyay in ay u tanaasulaan ardayda kenyaanka ah oo ay qafiifiyaan mowqifyada adag ee ay qaateen.