Waxaa ay cabsi iyo walaac xooggan soo foodsaareen kumanaan qof oo shacab ah oo ku sugan Waqooyiga Qaza gaar ahaan Beit Lahiya.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo ciidamada militariga ee Israa’iil oo awood xad dhaaf ah adeegsanaya ay magaaladaasi weerarro ka wadaan.
Dadka ayaa lagu wargeliyay in ay halkaasi ka guuraan si ay naftooda u badbaadiyaan.
Dhanka kale saraakiisha caafimaadka ee Qaza ayaa weli meydad ka raadinaya xabaal wadareed lagu arkay isbitaalka Nasser Hospital ee magaalada Khan Younis halkaasi oo ilaa iyo hadda laga soo saaray in ka badan 300 oo meydad ah.
Tan iyo 7-dii bishii Tobnaad ee sanadkii hore waxaa duqeymaha ay weli Israa’iil ka wado Qaza lagu dilay ugu yaraan 34,183 qof oo Falastiiniyiin ah halka la dhaawacay 77,143 kale.