Golaha kongareeska Maraykanka ayaa ansaxiyay taageero dhan 40 bilyan oo doolar oo ay xukuumadda Washington siinaysa dowladda Ukraine.
Tani ayaa dhaqaalaha uu Maraykanka ilaa iyo hadda ku taageeray Ukraine ka dhigaysa 54 bilyan oo doolar.
Waxaa hindise sharciyeedkan codkooda ku taageeray 368 oo ka mid ah wakiillada halka 57 ay ka soo horjeesteen.
Labo toddobaad ka hor ayay ahayd markii madaxweynaha Maraykanka Joe Biden uu codsaday in 33 bilyan oo doolar lagu wareejiyo Ukraine oo ay saameyn ka soo gaartay duullaanka militari ee Ruushka.